Photo of Milford Sound in New Zealand! Photo of Milford Sound in New Zealand!

Khilafada islaamka oo Nolosha Ku Gubtay Duuliyihii udhashay Urdun iyo Imaaraatka oo isaga baxay isbahaysiga.

duuliyaha oo gubanayaDowladda Islaamiga ah ayaa ku dhawaaqay in ay daldalaad ku fuliyeen duuliyihii u dhashay dalka Urdun ee qeybta ka ahaa isbaheysiga Mareykanka.

Filim muuqaal ah oo kasoo baxay mu’asasada Alfurqaan garabka warbaahineed ee Dowladda Islaamiga ah ayaa lagusoo bandhigay Mucaad Alkasasbah oo lagu gubayo qafis illaa uu ka dhinto.

Dowladda Islaamiga ah waxay sheegtay in Duuliye mucaad loo dilay qaabkii uu muslimiinta udili jiray markii uu duuliyaha ka ahaa diyaaradaha dagaalka.

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo hadlay ayaa cambaareeyay dilka duuliye Macaad wuxuuna ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah,wasaaradda gaashaandhigga Urdun iyana waxay sheegtay in dowladda islaamiga ah ay ka aargudan doonto.

Dhanka kale warbaahinta Maraykanka ayaa baahiyay in imaaraadka carabta ay isaga baxeen isbahaysiga ka dhanka ah khilaafada islaamka.

 

imaaraatka ayaa la sheegay inay isaga baxeen isahaysiga kadib qabashadii duulihii udhashay Urdun sida uu qoray new yorka Times.